Boosaaso (Dawan)- Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa si rasmi ah loogu wareejiyay warshadda cusub ee soo saarta ogsijiinta ee magaalada Boosaaso. Mashruucan, oo lagu dhisay isku-tashi bulsho, ayaa ujeedkiisu yahay in lagu daboolo baahiyaha ogsijiinta ee isbitaallada iyo xarumaha caafimaadka ee gobolka.
Warshadda cusub, oo ku kacday lacag dhan $91,000, ayaa sidoo kale loo iibiyay 400 haamood iyo agab kale oo muhiim ah, si loo taageero adeegyada caafimaad ee Puntland. Wasiirka Caafimaadka Puntland, Siciid Jaamac Qorsheel oo ka hadlay munaasabadda wareejinta, ayaa sheegay in warshaddan ay yareyn doonto ku tiirsanaanta ogsijiinta laga soo iibsado dibadda, taasoo fududeyn doonta in adeegyo caafimaad oo tayo leh loo heli karo bulshada.
“Warshaddan cusub waxay yareyn doontaa kharashka ku baxa soo iibsiga ogsijiinta dibadda, iyadoo sidoo kale sare u qaadeysa tayada adeegyada caafimaadka,” ayuu yiri wasiirka.






