Nairobi (Dawan)- Boqorka Ingiriiska, Charles III oo booqasho afar cishe ah ku joogo dalka Kenya ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay gabood-falladii lagula kacay dadkii Kenyaanka ahaa xilligii gumaysiga Boqortooyada Ingiriiska.Boqorka ayaa qiray inaan qiil loo dayi karin qaabkii uu maamulkii gumaysiga ee Ingiriiska ula dhaqmay kenyaanka intii ay u halgamayeen xorriyaddooda.
In kasta uusan raalli gelin rasmi ah bixin, gabbood falladaas, sida ay doonayeen hay'adaha xuquuqda aadanaha ee Kenya, haddana wuxuu sheegay inuu diyaar u yahay inuu la kulmo dhibbanayaasha guumaysigii Ingiriiska isagoo tilmaamay in loo baahan yahay in labada dhinacba ay iska kaashadaan xallinta waxyaabaha caddaalad darrada ah ee horay u dhacay.
Boqortooyadii Britain ayaa awood ku muquunisay kacaankii Mau Mau iyada oo geysatay tacaddiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo lagu dilay in ka badan toban kun oo qof muddadii u dhaxeysay 1952 ilaa 1960.
Muddo dheer kadib, dowladda Britain ayaa ogolaatay 2013 inay magdhow siiso in ka badan shan kun oo Kenyaan ah, laakiin waxey dadka Kenyaanku ka sugayaan Boqorka inuu raaligelin rasmi ah ka bixiyo xadgudubyadii loo geystay.



