London (Dawan)- Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Britain, David Cameron ayaa sheegay in dalkiisu ka fikirayo in uu Falastiin u aqoonsato Dowlad madax bannaan, isaga oo hoosta ka xariiqay in xalka Bariga Dhexe uu ku jiro sidii loo yagleeli lahaa laba Dowladood oo ay kala leeyihiin Falastiin iyo Israa'iil.
Cameron ayaa wareysi uu siiyay BBC-da ku sheegay in Britain ay kala tashaneyso Dowladaha saaxibada la ah iyo Qaramada Midoobay sidii Falastiin loogu aqoon lahaa Dowlad dhameystiran.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Britain ayaa ku booriyay Israa’iil inay ogolaato sidii gargaar bini’aadantinimo oo dheeraad ah loo gaarsiin lahaa Marinka Gaza, isaga oo wax lala yaabo ku timaamay in gargaar muhiim ah oo ay Britain iyo dalal kale u direen Gaza in laga soo celiyo xuduudda iyadoo aan la gaarsiin halkii loogu talagalay.
Cameron waxa uu sheegay in Israa’iil ay ku fashilantay 30-kii sano ee la soo dhaafay inay sugto ammaanka muwaadiniinteeda, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in nabad iyo horumar aan la gaari doonin haddii la iska indha tiro guul-darradaas.
Cameron ayaa booqashadii afaraad ku bixinaya Gobolka Bariga Dhexe tan iyo markii uu billaawday dagaalka Marinka Gaza 7-dii October, sida ay Sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Britain



