Muqdisho (Dawan)- War-saxaafadeed kasoo baxay Dallada Bulshada Rayidka ee SONSA ayaa walaac looga muujiyay ansixintii ay Golaha Wasiirada ku magacaabeen shirkoodii 14 Maarso 2024 xubnaha Golaha Warbaahinta Qaranka.
"Bulshada Rayidka waxa ay aad uga xun tahay in markii labaad ay isku dayeyso Wasaarada Warfaafinta dhismaha Golaha Warbaahinta oo baal marsan xeerka warbaahinta waana nasiib daro weyn in aanan wax laga baran qaladaadkii hore loo galey ee sababey in Golaha Warbaahinta dhismi waayo" ayaa lagu yiri, war-saxaafadeedka
Dallada Bulshada Rayidka ee SONSA ayaa tilmaamtay in hannaanka loo maray magacaabista Golahan ay ka hor imaaneyso xeerka warbaahinta qodobkiisa 14 firqooyinka 1-aad ilaa 6-aad, waxeyna ugu baaqday Guddiyada Warfaafinta ee Baarlamaanka Federaalka in ay ka hortagaan Golahaan sida sharci darada ah lagu soo dhisay .
Waxaa hore uga soo horjeesatay anisixita Golaha Wasiirada Soomaaliya ee Golaha Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed, Dalladda Badbaadada Saxafiyiinta Soomaaliyeed (SMSJ) oo ah shabakad ay ku mideysan yihiin toddobo urur saxaafadeed.





