Soomaaliya, Janaayo 23, 2026 (Dawan)— Ururrada bulshada rayidka ah ee Soomaaliya ayaa si ballaaran u soo dhaweeyay casuumadda ay Dowladda Federaalka Soomaaliya u fidisay mucaaradka, iyaga oo ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo horseedi karta xasillooni siyaasadeed, midnimo qaran iyo badbaadinta mustaqbalka dhallinyarada dalka.
Dalladda Ururrada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed (SONSA) ayaa bayaan ay Khamiistii soo saartay ku sheegtay in furitaanka madal wada-hadal ay tahay fursad dahabi ah oo looga gudbi karo is-maandhaafka siyaasadeed ee muddada dheer soo jiitamayay, kaas oo, sida ay tilmaantay, caqabad ku noqday dowlad-dhiska isla markaana albaab u furay faragelin shisheeye oo sii kordhaysa.
SONSA waxay carrabka ku adkaysay in khilaafaadka siyaasadeed ee soo noqnoqday ay si toos ah u saameeyeen mustaqbalka dhallinyarada Soomaaliyeed, ayna door ku yeesheen tahriibka halista ah ee ay dhallinyaro badani naftooda ku waayeen iyagoo u sii gudbaya badaha Mediterranean-ka, iyaga oo raadinaya nolol ka wanaagsan tan ay ka waayeen dalkooda.
Dalladdu waxay ku baaqday in wada-hadallada la qorsheynayo ay noqdaan kuwo loo dhan yahay, bilaa shuruud ah, isla markaana ay fududeeyaan khubaro madax-bannaan si loo helo natiijooyin lagu xallin karo khilaafaadka taagan.




