Muqdisho (Dawan)- Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa si adag u cambaareeyay xarigga loo geystay Agaasimaha Dawan Media Group Cali-Nuur Salaad , isaga oo tilmaamay inuu xad-gudub ku yahay xaqa dastuuriga ah ee muwaadinka iyo mabaadi’da xoriyatul qawlka.
"Suxufigu door muhiim ah ayuu ku leeyahay soo bandhigga xogta, xoojinta hufnaanta, iyo la xisaabtanka kuwa xilalka haya. Xarig kasta ama caburrin kasta oo lagula kaco suxufiga waxay ka dhigan tahay in lagu tumanayo dastuurka, laguna xadgudbayo xorriyada muwaadinka, lana diidanyahay isla xisaabtanka". ayuu bartiisa Facebook kusoo qoray xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur



