Muqdisho (Dawan)- Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa su’aal geliyay sababta qaar ka mid ah kulamadii ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka dalbatay hay’adaha goboleed iyo kuwa caalami ah u dhici waayeen, isaga oo ka digay in xaaladdaan ay dalka gelin karto marxalad halis ah oo hubanti-la’aan siyaasadeed iyo mid sharciyeed ah.
Isagoo ka hadlayay Madasha 9-aad ee Heritage, Cabdishakuur ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay labadii maalmood ee la soo dhaafay xoogga saartay raadinta taageero caalami ah oo ka dhan ah aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland, halka codsiyadii ay u gudbisay ururrada gobolka iyo kuwa caalamiga ah aysan wax jawaab ah ka helin.
“Adduunka waxaan ka codsannay samir iyo taageero,” ayuu yiri, isaga oo xusay in Soomaaliya si rasmi ah ula xiriirtay Urur-goboleedka IGAD, Midowga Afrika iyo Bulshada Bariga Afrika, balse aanu midkoodna dhicin kulan la filayay. Wuxuu intaa ku daray in arrinta kaliya la hor geeyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, hase yeeshee uu tilmaamay in golahaasi uu yahay mid ay saameyn ku leeyihiin dowlado awood leh oo danahooda ka leh Soomaaliya.




