Muqdisho (Dawan)- Xildhibaan Cabdirishiid Maxamed Nuur Jilley ayaa laga qaaday xilkii Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha ee Arrimaha Caafimaadka iyo Nafaqada kadib markii uu ka mid noqday xildhibaano taageero u muujiyay joogitaanka Itoobiya ee Soomaaliya.
Arrintan ayaa kusoo beegmeysa iyada oo loolanka Itoobiya iyo Masar ee Soomaaliya uu sii xoogeystay maalmihii ugu dambeeyay.
"Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka ka qaaday Cabdirishiid Maxamed Nuur Jilley oo ahaa Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha ee Arrimaha Caafimaadka iyo Nafaqada" sidaas waxaa lagu yiri, qoraal kasoo baxay Villa Somalia.
Xilkaan waxaa Cabdirishiid Maxamed Nuur loo magacaabay 1-dii April ee 2024
Qoraalka Madaxtooyada ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda uu ku booriyay dhammaan muwaadiniinta iyo masuuliyiinta dalka in ay u istaagaan waajibka kaga aaddan difaaca Qaranka, waxeyna Villa Somaalia tilmaamtay inay jirto halis ka imaaneysa dibadda taas oo ka dhan ah gobannimada, wadajirka iyo midnimada Qaranka Soomaaliyeed.





