Muqdisho (Dawan)- Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) ayaa beeniyay in kulankii Madaxweyne Xasan Sheekh iyo dhiggiisa Kenya William Ruto ee khamiistii lasoo dhaafay ka dhacay Nairobi looga hadlay arrimo la xiriira xiisadda ka taagan badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya.
Wasiirku oo oo xalay marti ku ahaa Space-ka X ee Dawan Media ayaa sheegay in labada madaxweyne ay ka wada xaajoodeen arrimaha quseeya laba dal oo kaliya, wuxuuna meesha ka saaray in la isla soo qaaday khilaafka badda ee soo billaawday 1-dii January 2024.
"Safarkaan uu hadda madaxweynuhu ku teagy Nairobi, wax lagu soo qaaday oo la xiriira MOU-ga iyo Itoobiya, haba yaaraate ma jirin. arrima kale oo labada dal ka dhaxeyo ayay labada madaxweyne ku ballameen" ayuu yiri, Cali Balcad.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khamiistii lasoo dhaafay safar shaqo ku tegay dalka Kenya, isaga oo dhiggiisa Kenya kala hadlay iskaashiga labada dal ee arrimaha amniga, xasilloonida gobolka iyo danaha Soomaaliya iyo Kenya, sida ay sheegtay Villa Somalia.



