Addis Ababa (Dawan)- Ku-simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar, ayaa maanta gaaray markii ugu horeysay Magaalada Addis Ababa tan iyo markii uu bilaawaday khilaafka dhanka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.
Wasiirka ayaa brtiisa X kusoo qoray, waxaan soo gaaray Addis Ababa, aniga oo guddoomin doona guddiga muhiimka ah ee Wasiirada ee qaabilsan musharaxiinta Afrika ee Hay'adaha caalamiga ah.
Cali Balcad ayaa intaas raaciyay, "Intaa waxaa dheer, waxaan ka qeyb galayaa Shir Madaxeedka 44-aad ee Midowga Afrika oo aan ku meteli doono Soomaaliya"
Shirka Golaha Fulinta ee Midowga Afrika ayaa lagu wadaa inuu ka dhaco Addis Ababa maalmaha 14 iyo 15 bishaan February.
Soomaaliya iyo Itoobiya waxaa soo kala dhax galay khilaaf xoogaan kadib markii ay Itoobiya heshiis dhanka badda ah la gashay Somaliland 1-dii bishii January ee 2024.






