Muqdisho – 8 Janaayo 2026 (Dawan)- Taliyaha ciidamada Uganda ee ka tirsan hawlgalka Midowga Afrika ee taageerada iyo xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), Jeneraal Jackson Kayanja, ayaa ku baaqay in ciidamada ay muujiyaan feejignaan heerkeedu sarreeyo, xilli hawlgalku bilaabayo kalaguurka adag ee dhanka amniga, kaas oo ay hoggaaminayso dowladda Soomaaliya.
Amarkan ayaa la bixiyay intii uu socday kulan heer sare ah oo looga hadlayay u diyaarsanaanta hawlgallada AUSSOM, kaas oo ka dhacay Xarunta Taliska ee Qaybta Koowaad ee Muqdisho Talaadadii, iyadoo warbaahinta rasmiga ah ee hawlgalka AUSSOM ay baahisay kulanka. Tani waxay calaamad u tahay dib-u-eegistii ugu horreysay ee ciidamada tan iyo markii hawlgalkii ATMIS uu si rasmi ah loogu beddelay AUSSOM 1-dii Janaayo.
Ciidanka Difaaca Shacabka Uganda ayaa laf-dhabar u ah Qaybta Koowaad, oo ka masuul ah sugidda amniga caasimadda Muqdisho, garoonka diyaaradaha ee caalamiga ah, iyo xarumaha muhiimka ah ee dowladda—meelahaas oo weli bartilmaameed u ah kooxda Al-Shabaab.







