Muqdisho (Dawan ) – Wadahadalladii u dhexeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa ku dhammaaday natiijo la’aan, kaddib markii aragti mideysan lagu heshiisn waayay arrimaha la xiriira wax-ka-beddelka dastuurka iyo hannaanka doorashooyinka dalka.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, wadaxaajoodka ayaa istaagay sababo la xiriira waxa goluhu ku tilmaamay tallaabooyin hal-dhinac ah oo ay dowladdu ku waddo wax-ka-beddelka dastuurka, iyadoo aan la helin heshiis qaran oo loo dhan yahay ama wadatashi dadweyne oo ku filan.
Goluhu wuxuu ku adkeystay go’aankiisii hore ee ahaa in Dastuurka KMG ah ee 2012 uu yahay saldhigga sharci ee dalka, isla markaana wax-ka-beddelkiisu u baahan yahay heshiis qaran, ilaalinta dheellitirka awoodaha heerarka federaalka, iyo ka-qaybgal siyaasadeed oo ballaaran. Dhanka kale, dowladda ayaa ku adkaysanaysa in geeddi-socodka wax-ka-beddelka dastuurka uu sii socdo.
Khilaafka labaad ayaa la xiriira hannaanka doorashooyinka, gaar ahaan doorashooyinka dowlad-goboleedyada iyo kuwa heer federaal. Golaha Mustaqbalka wuxuu sheegay inuu dalbanayo in doorashooyinka lagu saleeyo dastuurka hadda jira iyo awoodaha dastuuriga ah ee dowlad-goboleedyada.







