Soomaaliya, 23 Febraayo 2026 (Dawan)– Hawlgalka Kaalmaynta Ku-meel-gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS) ayaa maanta oo Isniin ah sheegay inuu ka xun yahay fashilka wada-hadalladii u dhexeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo isbahaysiga mucaaradka ee Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, kuwaas oo lagu doonayay in lagu gaaro heshiis siyaasadeed.
xafiisku waxa uu labada dhinac ku boorriyay inay sii wadaan wada-hadalka si niyad-sami ah.
Qoraal kasoo baxay xafiiska UNTMIS ayaa lagu sheegay inhoggaanka xafiiska, oo ay weheliyaan saaxiibbada caalamiga ah, inay kulamo la qaateen wakiillo sare oo ka socday Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, kaddib markii ay istaageen wada-xaajoodyadii.







