Soomaaliya, 23 Febraayo 2026 (Dawan)- Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam “Madoobe”, ayaa gelinkii hore ee maanta oo Isniin ah ka dhoofay Muqdisho isaga oo dib ugu laabtay Kismaayo, kaddib 13 maalmood oo aan lagu guuleysan in lagu soo afjaro khilaafka siyaasadeed ee dalka.
Bixitaankiisa ayaa yimid kaddib burburka wada-xaajoodyo xasaasi ah oo u dhexeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, oo ah isbahaysi mucaarad ah oo uu Madoobe ka yahay xubin muhiim ah.
Isbahaysiga ayaa ku dhawaaqay fashilka wada-hadallada saacado yar kaddib markii Madoobe gaaray garoonka diyaaradaha.







