Muqdisho (Dawan) – Ciidamada Burundi ee qayb ka ah Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika (AUSSOM) ayaa sii wadaya hawlgalkooda muddo lix bilood ah, inkasta oo markii hore loo qorsheeyay inay ka baxaan Soomaaliya 30-kii Juun 2025. Go'aankan ayaa laga soo saaray kulankii 1287-aad ee Guddiga Amniga iyo Nabadda ee Midowga Afrika (AUPSC) ee 3-dii Luulyo 2025.
Guddiga AUPSC ayaa go'aankan ku sababeeyay baahida loo qabo joogitaanka ciidamada Burundi ee hawlgalka AUSSOM. Guddiga ayaa sidoo kale oggolaaday in dhammaan ciidamada AUSSOM ee ku sugan Soomaaliya, oo ay ku jiraan kuwa dib u dhacay wareejintooda sababo hawlgalka la xiriira, ay helaan taageero saadka oo ka timaada Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) muddo lix bilood ah.
“Wuxuu go'aansaday in dhammaan ciidamada AUSSOM ee militariga iyo booliiska hadda ku sugan aagga howlgalka, oo ay ku jiraan kuwa ka soo wareejinta aagga howlgalka laga joojiyay 30ka Juun 2025 sababo shaqo awgeed, inay u qalmaan taageerada saadka ee UNSOS, muddo aan ka badneyn lix (6) bilood.”ayaa lagu yiri qoraalka kulanka soo baxay.



