Muqdisho (Dawan)- Ciidamada dowlada ayaa subaxnimadii maanta burburin ka bilaabay xaafadda Dabdamiska ee degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.
Af-hayeenka Boliiska Soomaaliya, Cabdifataax Aadan Xasan ayaa sheegay inuu dhamaaday waqtigii loo qabtay inay uga guuraan dadka deggan xaafadda Dabdamiska, taas oo keentay tillaabada ay ciidamadu qaadeen maanta
Af-hayeenka ayaa intaas ku daray in dadwaynihii degganaa xaafaddas ay u hogaamsanmeen amarkii dowladda ee ahaa in laga guuro Dabdamiska.





