Galgaduud (Dawan)- Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidanka dowladda oo kaashanaaya dadka deegaanka ay la wareegeen magaalada Ceel-buur ee gobolka Galgaduud.
Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu yiri " "Ciidanka xoogga dalka ayaa gudaha u galay magaaladda Ceelbuur iyagoo halkaas ka wadda howlgal looga sifaynayo Khawaarijta iyo dhagartooda si loo hubiyo amniga magaalada ".
Ceel-buur ayaa ahayd magaalada ugu muhiimsan gobolka Galgaduud oo ku jirta gacanta Al-shabaab balse maanta ayay dowladdu sheegaty inay ka saaratay xoogaga Al-shabaab.
Bayaanka wasaaradda Gaashaandhigga ayaa lagu ballan qaaday in dowladdu la wadaagi doonto shacabka faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan qabashada Ceel-buur.






