Niamey (Dawan)- Ciidamda dalka Niger ayaa ku dhawaaqay Jimcadii in askarigii ugu dambeeyay ee Faransiis ah uu ka baxay dalkaas, kadib tobon sano oo ay u joogeen in Dowladda Niger ka taageeraan dagaalka ay kula jirto kooxaha argagixisada ah.
Dalka Niger ayaa ahaa ka mid ah Dowladaha uu xiriirka xooggan kala dhaxeeyo Faransiiska inta aan ciidamada dalkaas aysan xilka ka tuurin Madaxweyne Maxamed Bazoum bishii Julay ee sannadkaan.
Taliye Saliim Ibraahim oo ka tirsan hoggaanka Ciidanka Niger ayaa yiri, " Maanta waxa ay ku diiwaan gashantahay dhammaadka xiriirkii joogitaanka Faransiiska ee Gobolka"
Ibraahim ayaa intaas raaciyay in bixitaanka Faransiiska loo adeegsaday 145 duullimaad diyaaradeed iyo 15 kolonyo dhulka ah oo lagu qaaday qiyaastii 1,500 oo askari.






