Beledweyne, Hiiraan – 9 Juun 2025 – Ciidamada Jabuuti ee ka tirsan Hawlgalka Midowga Afrika ee Xasilinta iyo Taageerada Soomaaliya (AUSSOM) ayaa si weyn uga qayb galay dabaaldegga 48-aad ee Aasaaska Ciidamada Qalabka Sida ee Jabuuti, kaas oo si rasmi ah looga xusay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.
Maalinta Ciidanka Qaranka ee Jabuuti ayaa la xusaa 6-da Juun, iyadoo lagu maamuusayo dadaalka ciidamada ee ku aaddan amniga Jabuuti iyo midka gobolka tan iyo aasaaskii ciidamadaas ee 1977.
Munaasabaddan oo ay ka soo qayb galeen mas’uuliyiin sare oo ka socday dowladda Jabuuti iyo qeybaha bulshada ee deegaanka, ayaa lagu bogaadiyay geesinimada iyo dadaalka ay ciidamada Jabuuti ku leeyihiin ilaalinta amniga Soomaaliya, gaar ahaan deegaanka Hiraan. Colonel Said Waberi, Taliyaha AUSSOM Sector 4, ayaa ka hadlay doorka muhiimka ah ee ciidamada Jabuuti ee ku aaddan xasilloonida iyo amniga gobolka, isagoo xusay in Jabuuti ay 14 sano ka soo shaqeysay Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) iyo AUSSOM, taasoo qayb ka qaadatay dhisidda nabadda iyo xasiloonida dalka.
“Doorka aan ku leenahay Soomaaliya ayaa ah mid muhiim ah oo ay ku jirto dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada ee Al-Shabaab, iyadoo aan ka shaqeyneyno xoojinta amniga guud ee Soomaaliya,” ayuu yiri Colonel Waberi.





