Kathmandu (Dawan) – Ciidamada militariga Nepal ayaa subaxnimadii maanta rasaas ku furay maxaabiis isku dayay inay ka baxsadaan xabsi ku yaalla gobolka Bagmati, iyadoo la sheegay in ugu yaraan 12 ilaa 13 qof dhaawacmeen. Sida uu sheegay Guddoomiyaha gobolkaasi
Isku daygan baxsashada ayaa ka dhacay degmada Ramechhap ee gobolka Bagmati, kadib markii maxaabiis badan ey jebiyeen qufulada gudaha xabsiyadii ey ku xirnaayen , ayna isku dayeen inay xoog ku furaan albaabka weyn ee xabsiga,
“Qiyaastii 12 ilaa 13 maxbuus ayaa dhaawacmay markii ciidamada rasaas ku fureen xilligii ay gaareen albaabka,” ayuu yiri Guddoomiyaha Degmada, Shyam Krishna Thapa.
Xabsiga Ramechhap waxaa ku xiran in ka badan 300 oo maxbuus. Boolisku waxay sheegeen in xaaladdu hadda gacanta lagu hayo isla markaana aysan jirin maxaabiis baxsaday.



