Garoowe (Dawan)- Wararka ka imaanaya magaalada Raas-caseyr ee Gobolka Bari ayaa sheegaya in ciidamada maamulka Puntland ay gacanta ku dhigeen rag looga shakisan yahay in ay ahaayeen burcad badeed iyo dooni sidday shixnad hub ah.
Taliyaha Qaybta Booliska Raas Casayr G/sare Fu’aad Maxamuud Xuseen oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen saddex nin oo la socday doonta, kuwaas oo watay hub fudud, rasaas iyo shidaal, isagoo sheegay in la horgeyn doono maxkamadda ay khuseyso si looga qaado tallaabada sharciga waafaqsan.
Xiritaanka kooxdaan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo labadii bilood ee u dambeeyay la sheegay in falal burcad badeed ah ay ka dhaceen xeebaha Bari ee Soomaaliya.
Todobaadkii hore, Markab dagaal oo ay leeyihiin ciidamada badda Hindiya, ayaa soo badbaadiyay markab kaluumaysi oo sitay calanka Iran oo ay saarnaayeen 19-shaqaale Pakistani ah kadib markii ay burcad-badeed Soomaali ah ka afduubteen xeebaha Bari ee Soomaaliya.
Sidoo kale, Ciidamada Seychelles ayaa isbuuc ka hor soo badbaadiyay Marakb kalluumeysi oo laga leeyahay Sri Lanka , sida uu sheegay xafiiska Madaxweyne Wavel Ramkalawan.
Sri Lanka ayaa mar sii horreysay sheegtay in ay arrinta Markabka kala hadashay diblomaasiyiin Soomaali ah si loo ogaado halka uu ku dambeeyay markab kalluumeysi iyo lix shaqaale ah oo la socday.
Marabka ayaa la afduubtay labo todobaad kadib markii ay Sri Lanka sheegtay in ay ku biiri doonto howlgalka Mareykanka uu hogaaminayo ee lagu ilaalinayo maraakiibta ganacsi ee ku socdaala Badda Cas ee ka dhanka ah Xuutiyiinta.





