Xudur (Dawan) – Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) ayaa sheegaya in ay dileen hogaamiye sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, Cabdullaahi Abuukar Cali, kaddib howlgal milatari oo ka dhacay Axaddii meel 30 km waqooyi ka xigta magaalada Xudur ee gobolka Bakool.
Ciidamada ayaa sheegay in howlgalka, oo dhacay saacaddu markay ahayd 7:00 subaxnimo, uu ahaa mid bartilmaameed gaar ah loogu qaaday Cabdullaahi Abuukar Cali, oo ay sheegeen inuu ahaa horjoogaha maaliyadda Al-Shabaab ee gobolka, isla markaana uu ka shaqeyn jiray dhalinyarada lagu qoro kooxda.



