By Asha Elmi
MUQDISHO, Soomaaliya – Warbaahinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta shaacisay in Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Deegaanka ee Gobolka Hiiraan ay saaka weerar culus ku qaadeen kooxda Al-Shabaab ee ka hawlgasha gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
Sida ay sheegtay Warbaahinta, Dagaalka ayaa ka dhacay duleedka deegaanada Ceel-Hareeri iyo Garas-magan, oo ku yaalla xadka u dhexeeya gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
Weerarkan ayeey sheegeen inuu ka dambeeyay kadib howlgallo qorshaysan oo lagu bartilmaameedsaday goobaha ay kooxdu isku urursanayeen.







