Muqdsho (Dawan)- Ciidamo Turki ah ayaa markii ugu horeysay si toos ah uga qeyb qaatay dagaal gudaha Soomaaliya oo ka dhan ah Al-shabaab, iyagoo ka caawiyay ciidamada Gorgor ee Soomaaliya sidii ay uga hortagi lahaayeen weerar ay soo qaaday kooxda. Dagaalka, oo socday muddo saddex saacadood ah, ayaa ka dhacay deegaanka Jabad Godane, oo ku dhow degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellaha Hoose oo loo qorsheeyay in Turkigu ka dhiso xarun laga tuuro dayax gacmeed.
Ciidamada Turkiya oo tobaneeyo ah oo wata dabbaabado iyo hub casri ah ayaa dagaalka ka qeyb qaatay dagaalka, taas oo taageero muhiim ah siisay ciidamada Soomaaliya ee dagaalka la galay Al-Shabaab. Dadka deegaanka iyo mas’uuliyiin ka tirsan ciidanaka xoogga Soomaaliya ayaa Dawan u xaqiijiyay in ciidamada Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday ay dib ugu laabteen deegaanka Xawaadleey ee ku dhow Jabad Godane.
Jabad Godane, oo horey uga dhaceen iska hor imaadyo iyo dagaallo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo Al-shabaab, ayaa sidoo kale ku dhow goobta la qorsheynayo in laga dhiso xarunta dayax-gacmeedyada ee Turkigu ka hirgelinayo Soomaaliya.





