Jubada Hoose(Dawan) – Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan guutada gaarka ah ee Danab, ayaa howlgal ka fuliyay deegaanka Harboole ee gobolka Jubada Hoose, kaas oo ay sheegeen in lagu beegsaday horjoogayaal iyo xubno sare oo ka tirsan Al-Shabaab.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya 18 July 2025, howlgalka ayaa lagu dilay xubno Al-Shabaab ah oo muddo dheer ay ciidamada ammaanku baadi-goobayeen, kuwaas oo lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen falal amni darro oo ka dhacay gudaha Soomaaliya iyo dalalka deriska la ah.
War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu xusay in ciidamada Danab ay intii uu socday howlgalka gacanta ku dhigeen hub iyo saanad milatari oo ay lahaayeen kooxda Al-Shabaab.





