Jabuuti – 5 Janaayo 2026 (Dawan)- Ciidanka Qaranka Jabuuti ee Daraawiishta ayaa Axaddii u dabaaldegay sannadguuradii 49-aad ee aasaaskooda, iyadoo dhoolatus ciidan lagu qabtay Xarunta Tababarka Shiikha-Muusa, halkaas oo ay kusoo bandhigeen diyaar-garowgooda iyo kaalinta ay ka qaataan sugidda amniga.
Munaasabadda, waxaa ka qaybgalay Ra’iisul Wasaare Cabdulqaadir Kaamil Maxamed, Wasiirka Gaashaandhigga Xasan Cumar Maxamed, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga.
Gashaanle Sare Sakariye Xasan Aden, Taliyaha Ciidanka Daraawiishta, ayaa ka hadlay munaasabadda, isagoo sheegay in ciidanku uu ku jiro dib-u-habayn lagu xoojinayo awoodooda si ay si hufan uga jawaabaan caqabadaha amniga ee gobolka. Wuxuu yiri:
"Ballanqaadkayaga maalinlaha ah, waa ilaalinta dadweynaha iyo sharciga."






