Uganda, 20 Febraayo 2026 (Dawan)— Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni, ayaa maanta, Jimce, la kulmay hoggaamiyaha Ciidanka Gurmadka Degdegga ah (RSF) ee Suudaan, Maxamed Xamdaan Dagalo, si ay uga wada hadlaan xal siyaasadeed oo nabadeed oo laga gaaro dagaalka sokeeye ee Suudaan oo ku dhow saddex sano socda.
Colaadda Suudaan ayaa bilaabatay bishii Abriil 2023, taasoo barakacisay malaayiin qof, isla markaana Qaramada Midoobay ay ku tilmaantay dhibaatada bini’aadantinimo ee ugu weyn adduunka.
Madaxweyne Museveni ayaa xusay in wadahadalka iyo xal siyaasadeed oo nabadeed ay yihiin waddooyinka kaliya ee lagu heli karo xasilloonida Suudaan iyo gobolka.
Wadahadalladan ayaa daba socda magacaabistii uu Midowga Afrika u xilsaaray Museveni inuu hoggaamiyo guddi heer sare ah oo loogu talagalay in lagu fududeeyo wadahadal toos ah oo dhex mara Dagalo iyo Hoggaamiya dalka Suudaan, General Abdel Fattah al-Burhan.







