Muqdisho (Dawan)- Dastuurkii ku-meelgaarka ahaa ee 2012 wuxuu dhigayay shan (5) shardi oo keliya oo looga baahnaa qofka doonaya inuu noqdo Madaxweynaha Soomaaliya. Hase yeeshee, dastuurka wax-ka-beddelka lagu wado ee hadda horyaalla Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya wuxuu soo jeedinayaa shuruudo gaaraya laba iyo toban (12) qodob. Haddaba, maxay ku kala duwan yihiin shuruudahani?
Dastuurkii 2012 wuxuu musharraxa madaxweynaha ku xirayay shuruudahan: inuu yahay muwaadin Soomaali ah, inuu Muslim yahay, in da’diisu aanay ka yarayn afartan (40) sano, inuu leeyahay aqoon ama waayo-aragnimo u qalanta xilka, iyo inuu dhimir ahaan caafimaad qabo isla markaana aanu gelin dembi culus oo ay maxkamad xukuntay.
Marka la eego dastuurka cusub waxaa la soo jeediyay shuruudo badan kuwa kalena waxaa lagu sameeyay isbedel ama waxaa lagu daray faahfaahin dheeraad ah. Tusaale ahaan, halka markii hore looga baahnaa oo keliya inuu musharraxu yahay muwaadin Soomaali ah, hadda waxaa lagu daray in labada waalid ee musharraxa ay yihiin muwaadiniin Soomaali ah, isla markaana aanu qabin xaas ajnabi ah.
Dhanka aqoonta, dastuurkii 2012 wuxuu ku koobnaa in musharraxu leeyahay aqoon ama waayo-aragnimo ku filan xilka, balse dastuurka cusub wuxuu si cad u dhigaya in musharraxu leeyahay aqoon heer jaamacadeed ah oo uu ka helay jaamacad la aqoonsan yahay, isla markaana uu leeyahay ugu yaraan 15 sano oo waayo-aragnimo hoggaan siyaasadeed ah.
Labada dastuurba waxay xusayaan in musharraxu dhimir ahaan caafimaad qabo, balse dastuurka cusub wuxuu sii adkeynayaa arrintaas, isagoo ku daraya in aanu jirin caddeyn caafimaad oo rasmi ah oo muujinaysa xanuun dhimir.
Waxaa sidoo kale jira qodobo cusub oo aan ku jirin dastuurkii 2012, kuwaas oo ay ka mid yihiin:
In musharraxu ku noolaa ama deggenaa Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ugu yaraan shan (5) sano.
In lagu yaqaan dhaqan suubban oo bulshada dhexdeeda ah.







