Galgaduud (dawan)- Howlgal qorsheysan oo ay iska kaashanayeen ciidanka Soomaaliya iyo taliska milatariga Maraykanka ee qaaradda Afrika loona yaqaan AFRICOM ayaa saakay laga fuliyay degmada Galcad ee goabalka Galgaduud.
Goobata laga fuliyay, howlgalka ayaa fariisin u aheyd dagaalmayaasha Al-shabaab, waxaana halkaas looga dilay 5 xubnood, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay dowladda Soomaaliya.
“Ciidanka Qaranka oo kaashanaya saaxiibada Soomaaliya ayaa wada howlgalada lagu ciribtiraayo kooxaha Khawaarijta ee ku dhuumaalaysanaya deegaanada hawdka ah.” Ayaa lagu yiri, bayaanka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.





