Garoowe (Dawan ) – Cutubka Hawlgallada La-Dagaallanka Argagixisada ee Puntland ayaa ku dhawaaqay arbacaii in ciidamadiisu ay gacanta ku dhigeen goobo muhiim ah oo ay ku dhuumanayeen dagaallamayaasha Daacish, kuwaas oo ku yaalla buuraha Cal Miskaad, gaar ahaan dooxa Baallade.
Sida ay sheegeen saraakiisha amniga, goobaha ay a waregeen waxaa ka mid ah Ceelka Garooba, Ceelka Dhasaqan, Lugta Dhanaan, Ablaaya, iyo Dalfalo. Waxaa la sheegay in meeshan ay ahaayeen meelihii ugu dambeeyay ee ay kooxaha Daacish ku dhuuman jireen gobolka.
“Ciidamadeennu waxay gacanta ku dhigeen Ceelka Garooba, Ceelka Dhasaqan, Lugta Dhanaan, Ablaaya, iyo Dalfalo oo ku yaalla buuraha Cal Miskaad, dooxa Baallade. Kuwani waxay ahaayeen meelihii ugu dambeeyay ee ay ku dhuuman jireen dagaalyahannada ISIS,” ayaa lagu yiri bayaan x ay qoreen cutubka hawlgallada.





