Hargeysa (Dawan)- Agaasimaha guud ee MM Somali TV, Cabdishakur Dayib ayaa xaqiijiyay in askar ka tirsan Ciidanka Somaliland ay xalay xireen qaar ka mid ah wariyaasha TV-ga xilli ay ay ku guda jireen howlahood shaqo.
War-saxafaadeed uu soo saaray Agaasimaha ayuu ku yiri, " Askar ka tirsan ciidanka Somaliland ayaa xalay soo weeraray Xarunta MM-TV ee Magaalada Hargeisa, Halkaas oo ay dhibaato iyo gacan ka hadal ugu gaysteen Maamulka iyo xubno ka tirsan hawl-wadeenada shaqada ku sugnaa oo kala ah:- Maxamed Abdi Ilig (Guddoomiyaha MM-TV), Ilyaas Cabdinaasir iyo Maxamed Cabdi Cabdilaahi (Andar)"
Cabdishakur Dayib, waxa uu intaas ku daray in Ciidamadu burburiyeen qalabkii yaalay xarunta qaybna ay qaateen, waxa kale oo ay joojiyeen dood ka socotay Barta Twitter-ka ee TV-ga dooddaas oo ku Saabsanayd “ Faa’iidada iyo Halista uu yeelan karo Isfahamka Badda ee Somaliland iyo Ethiopia”
Sida uu Agaasimuhu sheegay dooddaas marnaba kuma ku jirin wax dambi iyo xadgudub ah, waxaana ka qeyb gelayay Faysal Cali sheekh oo ka tirsan Xukuumadda Somaliland.



