Hargeysa (Dawan)- Madaxweynaha Somaliland, Muusi Biixi Cabdi ayaa Ciidul Fidriga awgeed cafis u fidiyay Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee ku jirta xabsiyada kala duwan ee Somaliland.
Maxaabiista loo fidiyay cafiska ayaa gaaraya ilaa 548 maxabuus kuwaas oo hore loogu riday xukun maxkamadeed kadib marki ay galeen dambiyo kala duwan.
Wareegto kasoo baxday xafiiska Biixi ayaa lagu yiri; " Waxaan Go’aamiyey;In laga bilaabo taariikhda maanta aan Cafis u fidiyo, munaasibadda ciidul fidrida awgeed maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan, oo tiradoodu dhan tahay 548 (shan Boqol iyo Sideed iyo Afartan) maxbuus"



