Jigjiga – Magaalada Jigjiga ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa 6-dii bishan lagu daahfuray cilmi baaris cusub oo ku saabsan sidii looga faa’iideysan lahaa isticmaalka daawo dhaqameedka, iyadoo lagu xoojinayo cilmi baaris casri ah. Munaasabadda ayaa waxaa ka qayb galay mas'uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka Itoobiya, Xafiiska Caafimaadka Dowlad Deegaanka Soomaalida, iyo jaamacadaha kala duwan ee magaalada Jigjiga iyo Qabri Dahar.
Cilmi baaristan, oo ah mid isku xira dhaqanka iyo cilmi-baarista casriga ah, ayaa diiradda lagu saaray cilmiga ku saabsan isticmaalka daawo dhaqameedka. Waxaa sidoo kale la baran doonaa oo la diiwaangelin doonaa dhirta kala duwan ee loo adeegsado daweynta xanuunada kala duwan ee bulshada deegaanka. Ujeedada cilmi baarista ayaa ah in laga helo xog horudhac ah oo ku saabsan dhaqanka deegaanka iyo isticmaalka dhirta kala duwan ee laga isticmaalo daaweynta xanuunada.
Wasiir ku xigeenka Xafiiska Caafimaadka Dowlad Deegaanka Soomaalida, Maxamed Ayaanle, ayaa sheegay in cilmi baaristan ay tahay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo dadaalka dowlad deegaanka ee ku aaddan sidii looga faa'iideysan lahaa daawo dhaqameedka, iyadoo la raacayo hababka cilmiyeed ee casriga ah.





