Bagdaad( Dawan)- In ka badan 100 qof ayaa ku dhintay, 200 oo kalena way ku dhaawacmeen dab ka kacay xaflad aroos oo ka dhacaysay degmada Hamdaniya ee gobolka Nineveh ee dalka Ciraaq.
Guddoomiyaha gobolka Nineveh Najm al-Jubouri ayaa sheegay in ugu yaraan 114 qof ay ku dhinteen ku dhawaad halka 200 oo kalena ay ku dhaawacmeen dab ka kacay xaflad aroos.
Baaritaanada hordhaca ah ayaa tilmaamaya in baaruuda lagu ciyaaro ay sabab u ahayd inuu dabku kaco iyada oo aysan sidoo kale goobta xafladdu ka socotay lahayn adeegyada dab demiska deg-degga ah.





