Bagdaad (Dawan)- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, oo booqasho ku jooga dalka Ciraaq ayaa maanta oo Axad ah la kulmay Guddoomiyaha Baarlamaanka dalkaas, Muxsin Al-Mandalaawi.
"Ra’iisul Wasaaraha iyo guddoomiyaha ayaa si guud uga wada hadlay xoojinta cilaaqaadka u dhaxeeya labada waddan iyo sidii ay Soomaaliya iyo Ciraaq ay u cusbooneysiin lahaayeen iskaashiga dhinacyada kala duwan ee ka dhaxeyn jiray labada dowladood iyo shacab" ayaa lagu yiri, warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska xukuumadda Soomaaliya.
Barre iyo Al-Mandalaawi ayaa isla gartay hannaanka cusub ee lagu dardargelinayo shaqada guddiga saaxiibtinimada Baarlamaanka ee Ciraaq iyo Soomaaliya.
Al-Mandalaawi ayaa carrabka ku adkeeyay in Ciraaq ay diyaar u tahay in ay Soomaaliya kala shaqeyso dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin amniga, ganacsiga iyo beeraha,isagoo xusay in Soomaaliya ay tahay dal qani ku ah kheyraadka dabiiciga ah una baahan taageero Carbeed iyo mid caalaami ah si loogu maalgeliyo qaabka ugu habboon.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa hore kulan ula qaatay dhiggiisa dalkaas, Maxamed Shiyaac Al-Suudaani, isaga oo kala hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo arrimo la xiriira iskaashiga dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha.
Soomaaliya ayaa dadaal xoogan ugu jirta sidii ay dalka uga saari leheed ururka Al-shabaab oo maamula dhul ballaaran, halka dowladdda Ciraaq ay ku dhawaaqday bishii December ee 2017, inay dalkeeda ka saartay ururka Daacish kadib dagaal qaatay saddex sano oo xariir ah, iyada oo si buuxda ula wareegatay dhammaan dhulka ay maamuli jireen sida xuduudda ay la wadaagto dalka Suuriya.




