Hargeysa (Dawan)- Madaxwaynaha la doortay ee Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa ballan qaaday inaysan jiri doonin qof loo dhibaateeyo aragtidiisa siayasadeed iyo fikirka uu qabo.
"Waxaan muwaadinka ugu bishaareynaya inay farxad iyo niyad wanaag ku heli doonaan xuquuqdooda oo ay u simanyihin. Calankooda hoostiisana ku mideysanaan doonaan iyaga oo aan dhibanne u noqonayn artagtidooda siyaasiga ah iyo afkaartooda shaqsiga ah" Sidaas ayuu Cirro ku sheegay khudbaddiisi ugu horeysay ee uu jeediyo kadib markii lagu dhawaaqay guushiisa.
Ciro ayaa sheegay inuu dadaal ugu jiro in uu xoojiyo xorriyadda ra’yiga iyo hadalka, isagoo tilmaamay in xukuumadda uu soo dhisi doono ay ka shaqeyn doonto abuurista jawi siyaasadeed oo xor ah, oo lagu ixtiraamayo xuquuqda aadanaha, isla markaana aan lagu bartilmaameedsan doonin ra’yiga mucaaradka ama saxaafadda.
Hadalkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland ay sannadihii u dambeeyay ay ka jirtay qalalaase siyaasadeed oo ka dhashay xariga saxafiyiinta, qaar ka mid ah dadka magaca ku leh bulshada iyo siyaasiyiinta ka soo horjeeday xukunka Muuse Biixi .






