Berbera (Dawan) – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro, ayaa ballanqaaday in xukunkiisa uu Somaliland u horseedi doono aqoonsi caalami ah inta lagu jiro muddo xileedkiisa.
Madaxweyne Cirro, oo hadal ka jeediyay magaalada Berbera fiidnimadii Isniintii xilli uu la hadlayay hoggaamiyeyaasha dhaqanka, ayaa sheegay in Somaliland horumar weyn ka samaysay raadinta aqoonsiga, balse maamulkiisa uu ka go’an yahay in uu dhamaystiro dadaalladaas.
“Maalin ka mid ah muddo-xileedkeyga, iyadoo Somaliland la ictiraafsan yahay, ayaan halkan isugu iman doonnaa,” ayuu yiri Madaxweyne Cirro.





