Wajaale (Dawan) – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro, oo difaacaya mashruuca biyo-xireenka iyo beeraha ee laga hirgelinayo Wajaale ayaa sheegay in fursad weyn oo dhaqaale iyo horumar uu yahay, isaga oo cadeeyay in aanay jirin qof dhulkeeda ama beerteeda lagu durgayo iyo mid si khasab ah dhul looga qaadayo.
Cirro oo ka hadlayay doodaha ka dhashay mashruuca xilli uu ku sugnaa Gibiley habennimadii Sabdiga ayaa sheegay in dhulka la isticmaalayo uu muddo labaatan sano ka badan gacanta ku haysay Somaliland, isla markaana heshiisyada la saxiixay ay caddeeyeen in dhulka Somaliland lagu wareejiyay, halka uu isla asaga xaqiijiyay in ay jiraan cabashooyin bulshada deegaanka qaarkood ka imaanaya iyaga oo ku doodaya in la dhahay dhulka marka aad heshiisaan ayaa la idinku wareejiyaa.
“Mashruuca waxaa ku qoran in dhulka dowladdu la wareegtay, maanta waxaa gacanta ku haya ciidamada. Waxaan caddeynaynaa inaanay jirin muwaadin beer looga rarayo ama lagu durgayo,” ayuu yiri Cirro, isagoo mashruuca ku tilmaamay mid soo jiidanaya maalgashi caalami ah oo Somalilnd faa’iido u leh.
Mashruucan oo ay fulineyso hay’adda Pharo Foundation ayaa lagu tilmaamay mid dhaliyay muran iyo walaac bulsho, balse Somaliland iyo taageerayaasheeda ayaa ku doodaya inuu qayb ka yahay horumarinta beeraha iyo la tacaalidda isbeddelka cimilada.






