Hargeysa, 11 December, 2025 (Dawan)- Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa Arbacadii ku dhawaaqay is bedel kooban oo lagu saameysay maamulka gobollada , isagoo xilalkii ka qaaday Guddoomiyayaashii gobollada Awdal, Saaxil, Sanaag, Daadmadheedh iyo Salal.
Gobolka Awdal: Madaxweynaha ayaa xilka ka qaaday Muxumed Xasan Jaamac (Hoday), wuxuuna u magacaabay Cabdirashiid Xasan Mataan.
Gobolka Saaxil: Waxaa xilka laga qaaday Maxamed Daahir Cabdalla Gaafane, waxaana lagu beddelay Cabdiqani Maxamuud Caateeye Fariid.
Gobolka Sanaag: Axmed Cabdi Muuse ayaa xilka laga qaaday, waxaana loo magacaabay Maxamuud Raage Ibraahin Guuleed.







