Soomaaliya, Janaayo 24, 2026 (Dawan)– Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta oo Sabti ah sheegay in ka-qaybgalkiisii Madasha Dhaqaalaha Adduunka (World Economic Forum – WEF) ee ka dhacday magaalada Davos ee dalka Switzerland uu ahaa guul diblomaasiyadeed oo weyn, isla markaana uu si muuqata u kor u qaaday maqaamka Somaliland ee fagaaraha caalamiga ah.
Cirro ayaa hadalkan ka jeediyay kulan aan caadi ahayn oo ay yeesheen Golaha Wasiirrada Somaliland, halkaas oo uu faahfaahin kaga bixiyay socdaalkiisii Davos iyo natiijooyinka ka dhashay. Wuxuu sheegay in tallaabadani ay ahayd markii ugu horreysay ee Somaliland ka qaybgasho shir sannadeed ay isugu yimaadaan hoggaamiyeyaasha adduunka, ganacsatada waaweyn iyo maalgashadayaasha caalamiga ah.
Bayaan ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay in madaxweynuhu golaha u sheegay in joogitaanka Somaliland ee Davos ay si rasmi ah u gelisay masraxa siyaasadda iyo dhaqaalaha caalamiga ah, isla markaana ay sare u qaaday xiisaha ay beesha caalamku u qabto Somaliland.
“Madaxweynuhu wuxuu u sheegay golihii wasiirada in joogitaanka Somaliland ee Davos ay si adag u gelisay fagaaraha siyaasadda iyo maalgashiga caalamiga ah,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay madaxtooyada.
Sida ku xusan bayaanka, Cirro ayaa madasha Davos ka jeediyay farriimo uu ku muujinayay in Somaliland tahay dal nabad ah, xasilloon, dimuqraaddi ah, isla markaana leh deegaan ku habboon maalgashiga shisheeye. Madaxweynaha ayaa sidoo kale kulamo gaar ah la yeeshay siyaasiyiin ajnabi ah, madax ganacsi, iyo wakiillo ka socday warbaahinta caalamiga ah.





