Togdheer (Dawan ) – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro, ayaa soo dhaweeyay hadal uu dhawaan jeediyay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, kaas oo muujiyay taageero uu u hayo Somaliland.
Madaxweyne Cirro oo Jimcihii ka hadlayey Togdheer ayaa hambalyo u diray siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee, sida uu sheegay, garowsaday horumarka Somaliland iyo xaqa ay u leedahay inay aqoonsi hesho. “Waxaan u hambalyeynayaa siyaasiyiinta Soomaaliyeed, oo ugu horreeya Rooble, kuwaas oo garawsaday in Somaliland wax weyn qabsatay, xaqna u leedaya madax-baannanideeda” ayuu yiri Madaxweyne Cirro.
Madaxweynaha ayaa dhanka kale dhaliilay siyaasiyiin kale oo Soomaaliyeed oo uu ku eedeeyay inay ka xunyihiin nabadda iyo aqoonsiga Somaliland, isagoo ku sheegay inay mashquul ku yihiin sidii Alshahaab ugu adeegsan lahaayeen Somaliland.





