Hargeysa (Dawan )– Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa Jimcihii ugu baaqay ganacsatada inay xaddidaan kororka qiimaha, isagoo sheegay in sare u kaca qiimaha shidaalka iyo raashinka ee caalamka uu culays saarayo nolosha shacabka.
Isagoo hadal ka jeediyay kadib salaaddii Ciidul Fidriga, ayuu Cirro sheegay in carqaladaha ka jira sahayda caalamiga ah iyo colaadaha dunida ay saameyn ku yeesheen helitaanka iyo qiimaha badeecadaha daruuriga ah.
“Ganacsatada waxaan ugu baaqayaa in aanay wax ka badan ku darin qiimaha, wixii koror caalami ah ee jira uun ku ekaadaan,” ayuu yiri.
Wuxuu carrabka ku adkeeyay in inkastoo qiimaha caalamiga ah uu kordhay, haddana aysan habboonayn in si xad dhaaf ah loo kordhiyo qiimaha gudaha, maadaama ay taasi sii culaysinayso shacabka.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku booriyay in la kaydsado badeecadaha muhiimka ah sida shidaalka iyo raashinka, isagoo ka digay in carqaladaha maraakiibta iyo isu socodka ganacsiga ay saameyn ku yeelan karaan sahayda
