Hargeysa, 21 October 2025 (Dawan) — Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa xalay gurigiisa kulan kula yeeshay culimada Somalilan, isaga oo uga warramay xaaladda arimaha dibadda ee ictiraaf raadinta, nabadda Ceerigaabo iyo Horumarinta arimaha Bulshada.
Madaxweyne Cirro ayaa culimada uga warbixiyay geeddi-socodka siyaasadda arrimaha dibadda, dedaallada ay xukuumaddiisu wado oo ay ku dooneyso in ay aqoonsi caalami ah ku keento, iyo natiijooyinka ka soo baxay safarradii shaqo ee uu ku tegay Imaaraadka Carabta iyo Itoobiya, kuwaas oo uu ku tilmaamay kuwo miro dhal ah oo lagu xoojiyay xiriirada diblomaasiyadda, iyo ganacsiga.





