Berbera (Dawan) – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray mashruuca ballaarinta korontada magaalada Berbera, kaas oo ah mid istiraatiiji ah oo muhiimad weyn u leh horumarinta adeegga tamarta iyo koboca dhaqaalaha ee magaalada iyo guud ahaan Saaxil.
Mashruuca ballaarinta korontada Berbera, oo ay ka mid yihiin xarunta tamarta cadceedda ee 5MW (PV Solar) iyo khadka gudbinta korontada ee 33KV oo dhererkiisu yahay 11.2 km, ayaa si rasmi ah u xaqiijinaya fulinta ballan-qaadkii Cirro ee ahaa in bulshada reer Berbera ay helaan adeeg koronto oo jaban, joogto ah, isla markaana la isku halayn karo. Mashruucan wuxuu sidoo kale daboolayaa baahida sii kordheysa ee magaalada Berbera, oo ah halbowlaha ganacsiga gobolka.
Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in helitaanka koronto la isku halayn karo ay laf-dhabar u tahay maalgashiga, horumarinta warshadaha, adeegyada bulshada iyo abuurista shaqooyin cusub. Wuxuu xusay in mashruucan uu qayb ka yahay qorshaha guud ee xukuumadda ee lagu tayeynayo kaabeyaasha dhaqaalaha, gaar ahaan magaalooyinka istiraatiijiga ah, si loo dardargeliyo koboca dhaqaalaha iyo horumar waara.







