NAIROBI, Kenya – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya inay diiradda saarto danaha qarankeeda, isla markaana faraha kala baxdo arrimaha Somaliland, isaga oo sidoo kale ku boorriyay in ay ka gudubto caqabadaha amni, siyaasadeed iyo midnimada dowlad-goboleedyada.
Madaxweyne Cirro ayaa hadalkan ka jeediyay khudbad uu ka jeediyay munaasabadda xuska Maalinta 18 May ee Somaliland, oo ay soo qabanqaabisay jaaliyadda Somaliland ee ku nool caasimadda Kenya, Nairobi.
Cirro ayaa si cad uga hadlay taariikhda iyo mustaqbalka Somaliland, isagoo sheegay in Somaliland aysan marnaba necbeyn Soomaaliya, balse ay ahayd qayb ka mid ah Soomaaliya oo isku duuban oo walaalo ah, balse markii dambe si madax-bannaan iskaga go'day.
Madaxweynaha ayaa carabka ku adkeeyay in dadka ku mashquulsan arrimaha Somaliland aysan waqti iska lumin, balse ay diiradda saaraan hawlahooda muhiimka ah, maadaama Somaliland ay ku mashquulsan tahay horumarkeeda iyo danta dadkeeda, isla markaana ay howlaheeda sii wadi doonto iyadoon cid kale ku mashquulsanayn.







