Baku (Dawan)- Muwaadiniinta dalka Azerbaijan ayaa maanta oo Arbaca ah u dareeray doorashada madaxtinimada dalkaas oo laga soo hormariyay xilligii loogu tala galay.
Doorashada waxaa ku tratmaya 7 musharax oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha hadda talada haya ee Ilham Aliyev.
Siddeedii subaxnimo ee saacada dalkaas (+4 GMT) waxa bilaabmay codaynta doorashada madaxtooyada, waxaana dalka gudihiisa iyo dibadiisaba lagu diyaariyay 6,500 oo sanduuq.
Sida lagu sheegay xogtii ugu dambeysay ee rasmiga ah, ku dhawaad 6.5 milyan oo qof oo ka diiwaan gashan gudaha dalka ayaa xaq u leh inay ka qeybgalaan doorashada, iyada oo muwaadiniinta dibadda ku nool ay awood u yeelan doonaan inay codkooda ku dhiibtaan sanaadiiqda codbixinta ee loogu talagalay safaaradaha ku yaal dalalka ay ku nool yihiin.
Ilaa 800 oo goob-joogayaal ajaanib ah iyo 90,000 oo goob-joogayaal maxalli ah oo ka kala socda hay’ado iyo dalal kala duwan oo caalami ah ayaa kormeeraya doorashada, waxaana doorashada tebinaya in ka badan 200 oo wariye kuwaas oo ka kala socda warbaahinta dunida.
Cod bixinta ayaa la filayaa in la soo gabagabeeyo todobada fiidnimo ee xiliga dalkaas.




