Bogota (Dawan)- Madaxweynaha Colombia, Gustavo Petro, ayaa Arbacadii ku dhawaaqay in dalkiisu uu xiriirka diblomaasiyadeed u jarayo Israel, laga bilaabo maalinta Khamiista, isaga oo go'aanka dowladdiisa ku sababeeyay dagaalka ay Israel ka waddo marina Gaza in ka badan lix bilood.
Hadalkan ayuu ka sheegay xilli uu khudbad ka jeedinayay munaasabadda dabbaaldegga maalinta shaqaalaha adduunka oo ka dhacday caasimadda Bogota, taas oo la dhigo 1-da May ee sannad kasta.
Petro ayaa yiri: "Hortiina, waxaana uga dhawaaqaya in xukuumadda isbeddelka ee uu hoggaamiyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda in berrito oo Khamiis ah aan jari doono xiriirka diblomaasiyadeed ee aan la leenahay Israel."
Madaxweynaha Colombia ayaa sheegay in Israel ay ka jiraan xukuumad iyo madax geysanaya xasuuq, wuxuuna yiri, " suurta gal ma aha in horteena lagu xasuuqo dad shacab ah"
Waxa uu intaas ku daray: "Haddii Falastiin ay dhimato, bini'aadantinimadu way dhimatay."




