Kinshasa (Dawan)- Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC), oo ah xudunka uu ka bilowday cudurka Mpox, ayaa Khamiistii heshay tallaalkii ugu horreeyay ee cudurkan, iyadoo Midowga Yurub oo ku deeqay kala bar dawoyiinka tallaalka lasoo gaarsiiyay dalkaas, waxaana la filayaa in qaybta labaad ee hartay inay soo gaarto dhammaadka toddobaadka.
Madaxa Hay'adda Diyaargarowga iyo Ka Jawaabista Xaaladaha Degdegga ah ee Caafimaadka (HERA) ee Midowga Yurub ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in ay gaareen Congo lana geyn doono dawooyinka xarumaha kaydinta, halkaas oo ololaha tallaalka uu ka bilaaban doono dhammaadka bishan.
Wasiirka Caafimaadka ee Congo, Samuel-Roger Kamba iyo Laurent Muschel, ayaa goob joog ka ahaa garoonka diyaaradaha Kinshasa markii diyaarad sidday 99,100 xabbo oo tallaalka ah ay soo caga dhigatay garoonka, sida uu sheegay wariye ka tirsan AFP.
Sida laga soo xigtay wasiirka caafimaadka ee Congo, Congo waxay diiwaangelisay in ka badan 19,000 oo kiis iyo in ka badan 650 oo dhimasho ah.





