Kinshasa (Dawan)- Madaxweynaha Congo, Felix Tshisekedi ayaa saddex bilood kadib dib u doorashadiisa waxa uu Wasiirkii hore ee Qorsheynta, Judith Suminwa Tuluka, u magacaabay Ra'iisul Wasaare, sida lagu sheegay war rasmi ah oo laga baahiyay telefishinka qaranka.
Judith Suminwa Tuluka waa haweeneydii ugu horreysay ee Congo ka qabata jagadaas, iyadoo beddeshay Jean-Michel Sama, oo ra'iisul wasaare kasoo ahaa dalkaas February 2021 illaa 21-kii February 2024
Judith Tuluka waa 50 jir, waxayna shahaadada mastarka ku haysataa cilmiga dhaqaalaha, iyada oo looga fadhiyo in ay ka mira dhaliso qorshaha uu Tshisekedi damacsan yahay ee wax ka qabashada amniga iyo dhaqaalaha.
"Waan ogahay mas'uuliyadda weyn ee aniga i saaran, waxaana ka shaqeynaya nabadda iyo horumarka, si dadka Congo ay uga faa'iideystaan kheyraadka dalka" ayay tiri, kadib magacaabisteeda

Shaqada ugu weyn ee laga sugayo xukuumadda ay hoggaamiso haweeneydaan ayaa ah soo celinta nabadda iyo xasilloonida dalka oo rabshado khasaaro wata ay ka socdaan, iyada oo ay ku dagaalamayaan in ka badan 120 kooxood oo hubeysan kuwaas oo sabab u noqday in ay barakacaan ku dhawaad 7 milyan oo qof.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, Felix Tshisekedi ayaa mar labaad loo dhaariyay inuu madaxtinimada dalkaas sii hayo shanta sano ee soo socota ka dib doorashooyinkii si weyn loogu loolamay bishii December.
Madaxweynaha Congo ayaa guul weyn ka gaaray doorashadii dhacday 20-kii December isagoo ku guuleystay in ka badan 70% codadkii la dhiibtay oo ay ka qayb qaateen 18 milyan oo qof (40%)



