Garoowe (Dawan)- Culimada Puntland ayaa shir jaraa’id oo ay ku qabteen magaalada Boosaaso waxay baaq nabadeed u direen beelaha ku dagaalamaya deegaannada hoos taga Qori-Lugud, iyagoo ku booriyay dhinacyada inay joojiyaan dagaalka dhiigga daadinaya.
Culimada ayaa ku tilmaamay dagaalkaas mid xaaraan ah oo aan waafaqsaneyn diinta Islaamka, waxayna ku baaqeen in laga baaqsado daadinta dhiigga walaalaha.
Culimada ayaa sidoo kale xusay in hadda uu yahay waqtigii ugu habboonaa ee laga hortagi lahaa colaadaha, maadaama shirarka iyo wadaxaajoodka ay caadiyan fursad u yihiin xalinta khilaafaadka, balse marar badan ay dhacdo in weerarro khasaaro badan dhalinaya ay ka dhacaan.



